Af-hayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa ka hadlay dhacdooyinkii asbuucii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Af-hayeenka wuxuu sheegay in asbuucaan ay dheceen 8 dil  kuwaasoo isugu jira dilal ay fuliyeen Alshabaab iyo kuwo aano qabiil u dhacay.

Advertisement

Sidoo kale Af-hayeenka wuxuu xusay in 4 qarax uu dhacay kuwaasoo  3 ka mida ay ka dhaceen Muqdisho.

“Waxaa kale oo jira 8 dhaawaca iyo 3 shil   uu ku jirey dad ka kacay Xamar iyo Buulo-burde” ayuu yiri.

Af-hayeenka wuxuu dhanka kale faray ganacsatada aan wali goobahooda ku xiran kaamiroyinka  inay xirtaan.

“Khawaarijta oo rabta inay cabsiiso dadka kaamirooyinka xirtay ayaa bartilmaameed-sanaya shacabka laakiin waxaa ka tab batay shacabka iyo Dowlada iskaashanaya wayna hirgeliyeen”ayuu yiri Afhayeen Sadiiq Adan Cali (Doodishe)

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Afmadow+SAWIRRO
Next articleXasan Cali Kheyre oo Muqdisho ku soo laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here