General Gebre T-sadik oo ah madaxa saxaafada u qaabilsan ciidamada deegaanka tigreega ayaa wuxuu ka hadlay xaalada dagaalka iyo halka wax marayaan.

,, Dagaalku uma socdo sidii cadawga tigreegu ay rabeen wuxuu usocdaa sidaan ugu talo galay,,

Mudo 3 todobaad ah waxaan cadawga ugaysanay gacan kulul, waxaana buuraha deegaanka tigreega ka dhignay kuwo lagu xabaalo,,

Dagaalku maaha mid haatan bilowday wuxuu ahaa mid mar hore bilowday waana ka diyaar garawnay, caalamkana waxaan tusnay cida aan nahay,,

“Tigreegu maaha meel maalin iyo laba maalin lagu qabsanayo, waana mida cadawganagu maanta garawsaday, waxaan nahay umad aan sharaftooda geeri uga baqin taasi daraadeedna dagaalkani wuxuu ku dhamaan doonaa guusha tigreega,,

Hada xukuumada Addis ababa waxay bilowday inay Imaaraadka kasoo qaadato diyaarado Drone ah markay meel kale mari waayeen, kuwaas oo caruurta iyo shacabka duqaynaya balse taasi waxay sii kordhinaysaa cadhada iyo geesinimada shacabka.

“Waxaan umahadcelinayaa shacabka Eritrea ee dibad iyo gudaba taageeray Tigreega, muhiimadu maaha kaligii taliye Afworke iyo rabitaankiisa balse waa mida shacabka,,

,,Guushu waa teena, ayuu yidhi General Gebre T-sadik.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here