Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamada xaslinta Caasimadda ee loo yaqaan Booliis Minataariyo iyo ciidan ka amar qaata sarkaal hore oo ka tirsaan ciidanka xoogga dalka kaas oo lagu magacaabo Sheegow
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Sheegoow Maxamed Cali oo ahaa sarkaal horay uga tirsanaa Cidanka Xoogga dalka iyo 18 ka mid ah ciidankiisa.
Doodisho ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan Ciidamada uu watay Sheegoow halka Ciidama dowladda ay ka dhinteen hal askari, sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in labada dhinac uu soo kala gaaray dhaawac min laba askari.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay go’aanno ugu soo saartay hubka lagu dhexsito Caasimadda iyada oo laga mamnuucay Mas’uuliyiinta dowladda iyo madaxdii hore ee dalka xilal uga soo qabatay in ay hub ku dhexsitaan magaalada dhexdeeda.