”Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin.

Safarrada shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga golleh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here