HomeWarkiiAfhayeenka Wasaarada Difaaca oo ka war-bixiyay howlgalo ka dhan ahaa Alshabaab.

Afhayeenka Wasaarada Difaaca oo ka war-bixiyay howlgalo ka dhan ahaa Alshabaab.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Maxamed ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu kaga hadlay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhanka ahaa Alshabaab kaasoo ay isla fuliyeen sirdoonka Somalia iyo saaxiibada caalamka.
Af-hayeenka wuxuu sheegay in howlgalkaan ay isla fuliyeen Ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 40 ka tirsanaa dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.
Sidoo kale Af-hayeenka wuxuu sheegay in howlgalka Alshabaab lagu bur buriyay gaadiid dagaal oo kooxda alshabaab ay lahaayeen, wuxuuna shacabka uga mahadceliyay sida ay Dowlada uga garab dagaalamayaan.
Meelaha howlgalada duqeynta ah ay ka dheceen waxaa kala yihiin Deegaanada Daaru-nimca,Qeycad, ceel-baraf,Qoordheere iyo Buq-aqable kuwaasoo dhamaantood ka kala tirsan Hirshabelle iyo Galmudug.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -