Gaza (dayniiile.com)-Afhayeenka Alqasaam Xamaas ayaa ku jees jeesay Yuhuuda isagoo si cad ugu sheegay in ciidamada Gaza ay u soo direen aysan waxba ka aqoon dagaal.

Afhayeenka Abu Cubeyda wuxuu xusay dagaalka Gaza uusan bilaaban  ,wuxuu intaasi ku daray in  dagaalka Yuhuuda uu yahay kaliya madaafiic lagu xasuuqo shacabka marasta ah sida caruurta iyo hayeenka.

Advertisement

Dagaalka ay ku sheegteen Yuhuuda inay Gaza dhanka dhulka ka weerareen ilaa iyo maanta ayuu tilmaamay inay ka gubeen in ka badan 300 taangi,sidoo kale 3 maalin u danbeysay ayuu sheegay inay ka gubeen 33 taangi.

Mar uu soo hadal qaaday weerarkii 7-dii October ayuu sheegay inay burburiyeen gadiid badan oo kuwa gaashaaman sidoo kalana ay ka laayeen ciidamo badan.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayay heshiiska hada saaka  bilaabanaya ee maxaabiis is dhaafsiga ayuu si jees jees ah iyana uga hadlay Afhayeenka Alqasaam.

“Yuhuudu waxay ogolaadeen wixii aan ugu yeereynay inteysan bilaaban dagaalka lugta ah,markii askar badan laga laayay  kadib, waxay sheegteen inay xoog ku soo furan doonan maxaabiista ,waxaana u sheegeynaa inaysan ku guuleysan karin wax aan ahayn maxabiis is dhaafsi”ayuu yiri

Masuulkaani isagoo u muuqday qof isku kalsoon ayuu intaasi ku daray in Yuhuudu awoodin sidey sheegteen inay maxaabiista xoog ku soo furtaan, waxa kaliya ee u furana ay tahay heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Hadalka masuulkaan ayaa ku soo aaday iyadoo saaka ay u bilaabaneyso heshiiska maxaabiis is dhaafsiga iyo xabad joojinta in kabadan

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDooni u raran Soomaali oo lagu afduubay xeebaha Puntland
Next articleDowlada Kenya oo ka hadashay weerar ay ku qaadeen saldhig Alshabaab ku lahaayeen duleedka Gaarisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here