Waxaa soo kordhaya rajada laga qabo kulanka galabta ee magaalada Muqdisho ku yeelan donaan Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

 

 

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa bartiisa Faceboook soo dhigay halka uu ka dhacayo Kulanka galabta ee Ra’isul Wasaaraha iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

”Si loo sii dhameystiro heshiiskii 25kii Febraayo, Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa galabta kula kulmaya Hotel Decale Midowga Musharraxiinta. Xukuumaddu wax ay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sidii ay ula fariisan laheyd cid walba oo ka aragti duwan si dalka uu doorasho u galo.” ayuu yiri Macalimuu.

Sidoo kale Kulanka dhax maraya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta mucaaradka ayaa looga hadli doonaa dhameestirka heshiiskii khamiistii dhax maray, iyaga oo sidoo kale kawada hadli doono sida xal looga gaari karo khilaafka doorashada ka taagan.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here