Waxaa maanta si diiran Magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay Dr. Zarau Wendeline oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Africa Group1 oo ay ku midaysan yihiin 22 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Saleymaan Sheekh Cumar.
Dr. Zarau Wendeline oo ay maanta u bilaabatay socdaal 2 cisho ayaa la kulmi doona madaxda Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, si looga faa’iidaysto mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka uu bixiyo.