Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Floribert Ngaruko oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Afrika (Group 1).

Agaasimaha ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay muujisay si ay usoo gaarto barta dhammaadka hannaanka deyn cafiska oo soo gaba-gaboobay 13 bishan Diseembar ee aynu ku jirno.

Advertisement

Mudane Saalax ayaa kala hadlay masuulkan sidii Bangigu uga taageeri lahaa Soomaaliya qorshaha deyn cafiska kadib, isaga oo uga mahad-celiyay Agaasimaha doorkii uu bangiga ka qaatay dhammaystirka hannaanka deyn cafiska, isagoo xusay inay ka dawlad ahaan ballan qaadayaan inay sii xoojin doonaan sii wadista dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, la dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga xukuumadda DanQaran ee isku filnaansho dhaqaale.

Previous articleMaxamed Cabdi-Waare oo si la yaab leh uga hadlay fikirka ay Somalidu qabiilka ka aaminsan tahay!!!!!!!
Next articleWufuud Dalalka Afrika oo ku soo qulqulaya Muqdisho+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here