Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Maanta si rasmi ah ula wareegay xilka hay’addaas oo Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta u magacaabeen khamiistii lasoo dhaafay ee todobaadkii hore.

Agaasime Mahad Salaad ayaa xilka kala wareegay Yaasiin Maxamuud Cabdullaahi Fareey oo inta aan loo dhaarin Xildhibaan xilkaas si KMG ah u haayay, waxaana Mahad Salaad uu si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Taliska hay’adda Nabadsugid.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay Munaasabadda xil wareejinta Agaasimaha NISA, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Wasiiro ka tisran Xukuumadda, Taliyeyaasha Ciidanka Milateriga iyo Booliska.

Mahad Salaad oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa Mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here