HomeWarkiiAgaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafe Dhuxulow oo Garoonka Muqdisho ku soo...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafe Dhuxulow oo Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud..

Wararka ka imnaanaya garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  uu  maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, isaga oo u kuur galay howlaha muhiimka ah ee hay’adda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow iyo holwadeennada kale ee hay’adda

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiir Fartaag, Agaasime Mustafe Dhuxulow oo dhismaha kusoo dhaweeyay.

Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray in hay’addu ay muhiim u tahay Amniga Qaranka, iyo xuduudaha dalka, loona baahan yahay in lasii laba jibaaro shaqada socota.

Madaxweyne Xasan  ayaa amaan u soo jeediyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow iyo holwadeennada kale ee hay’adda oo Bilihii koobnaa uu joogay wax badan ka qabtay halkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Office Nairobi Kenya .

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -