Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Axmed Siciid Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

May be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 4 people and people studyingMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 8 people, newsroom and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 7 people and suit
Previous articleMuxuu yahay hadalka aad u niyad jabiyay Itoobiya ee Soomaaliya ka sheegtay Qaramada Midoobay?
Next articleMaxkamada G/banaadir oo waqti u qabatay dacwad loo heysto masuuliyiin Dowlada ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here