HomeWarkiiAgaasimaha Hay’adda Socdaalka oo saxiixay qaab dhismeedka rasmiga ah ee Hay'ada +SAWIRRO

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo saxiixay qaab dhismeedka rasmiga ah ee Hay’ada +SAWIRRO

May be an image of 7 people, suit, newsroom and textAgaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka cusub ee Hay’adda, kaasoo hagaya jihada shaqo, maaraynta waaxyaha, laamaha iyo horumarinta adeegyada kala duwan oo ay Hay’addu bixiso.
Qaab-dhismeedkan cusub oo ay horey uga wada shaqeeyeen Agaasinka Waaxaha kala duwan, iyo la-taliyeyaal farsamo ayay hay’addu ku hawlgeli doontaa.
Qaab-dhismeedkan waxa uu dhabbaha u xaarayaa:
• In si hufan loo kala hago howlaha Hay’adda
• In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo waxqabadka shaqaalaha
• In la dhiso nidaam maamul casri ah oo la jaanqaadaya isbeddelka teknolojiyadda iyo baahiyaha bulshada.
Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in qaab-dhismeedkan cusub uu saldhig u noqon doono qorshaha dib u habaynta Hay’adda, iyadoo la horumarinayo adeegyada muhiimka ah sida baasaboorka, dal-ku-galka, jinsiyadda, iyo ilaalinta xuduudaha.May be an image of 8 people, people studying and tableMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 7 people, suit, newsroom and textMay be an image of 4 people, beard, suit and wrist watchMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 9 people, people studying and tableMay be an image of 4 people, people studying, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -