HomeWarkiiAgaasimaha Sirdoonka Qaranka oo Caawa booqday Abwaan Xirsi dhuux iyo wararkii ugu...

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka oo Caawa booqday Abwaan Xirsi dhuux iyo wararkii ugu dambeeyay ee xaaladiisa Caafimaad

Xaaladda Abwaanka waxaa weli la tacaalaya dhakhaatiirta Isbitaalka Kalkaal, caawa intii aan la joogay waxaa soo booqday Agaasime Mahad Salad oo daqiiqad kasta la socday xaaladda Abwaanka, sidoo kalena kafaala qaaday wax kasta oo ku baxaya baxnaanadiisa dal iyo dibad tii loo baahdo.

Warbixintii Dhakhtarka: Dhakhtarku wuxuu sheegay in Abwaanka jabka gaaray uu yahay qeybta dambe ee Madaxa (Jeegada) qaliin deg deg ah ayaa loo sameeyey shalay, iyadoo loo kala saaray A iyo B, waxaana lagu guuleystay kii koowaad.

Qaliinka labaad (B) waxaa la sugayaa marxaladda, hadii laga fursa waayo, waxaa go’aan lagu gaaray in lagu qalo isla goobta, Dhakhtarku wuxuu caddeeyey in dibadda iyo gudaha ay isku mid yihiin Qaliinka, balse dibadda waxaa u dheer halista diyaaradda oo shan saac ka badan uusan saaraa karin.

Halista Diyaaradda, Markii Diyaaradu ay kaceyso iyo markii ay degeyso Dhaawaca Abwaanku wuxuu wajihi karaa halis sababi karta in Maskaxdu dhimato, sidaas darteed wuxuu Dhakhtarku ku taliyey in hadda aysan sahleyn in dibadda loo qaado.
Rajada: Dhakhtarka waxaa ka muuqatay kalsooni badan, wuxuu sheegay in kiisas noocaan ah ay horay u soo mareen, waxay dhakhaatiirtu bixiyeen naf hurnimo ay ehelladu qireen, waxaana lagu towfiiqsaday in ayaga looga dambeeyo go’aanka hadii la qaadayo iyo hadii la qalayaba.

Warbixintaas kadib, Taliye Mahad Salaad wuxuu gaar ula kulmay ehellada Abwaanka ee isbitaalka joogay, wuxuu weydiiyey go’aankooda iyo taladooda, waxayna u sheegeen in Dhakhtarka ay uga dambeynayaan kiiska oo warbixinta ay ku qanceen .
Taliyaha ayaa u caddeeyey ehelka in dowladda Soomaaliya ay kafaala qaaday baxnaaninta iyo la socodka xaaladda Abwaanka, markii ay dhakhaatiirtu ku taliyaana dibadda loo qaadi doono oo diyaarad Ambalaas ah ay u diyaarsan tahay.

Ugu dambeyntii: Masuuliyiinta Dowladda iyo Shacabkii jeclaa Abwaankeena Qaran ayaa buux dhaafiyey isbitaalka, waxaan Alle uga baryaa inuu noo ducada dadkii jeclaa oo caafimaad deg deg ah uu siiyo, xaaladaana uu ka kiciyo.

 =XIGASHO WARIYE LIIBAAN LUG-CAD=May be an image of hospital and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -