Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Mudane Idriss Mounir Lallali Agaasimaha Xafiiska La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka iyo maareynta xuduudaha.
Kulanka ayaa si gaar ah looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ay khusayso, wadaagista xogta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falalka argagixisada, gaar ahaan dadka ka gudba xuduudaha dalka.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo bandhigay horumarka ay Hay’addu ka samaysay xaqiijinta iyo hubinta amniga xuduudaha, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah iyo nidaamyada dhijitaalka ah ee lagu maareeyo xogta socdaalka. Horumarradan ayaa gacan ka geystay xoojinta socdaalka sharciga ah, maamulka xogta iyo awoodda lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah amniga dalka.
Agaasimaha Guud HSJ Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka, si loo xoojiyo ka hortagga argagixisada iyo dambiyada xuduudaha isaga gudba, loona fududeeyo socdaalka sharciga ah.






