Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu Tuulada Guulane oo hoos tagta degmada Aaden-yabaal uu gaaray Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Xasan Jurus.

Wararka ay heleyso Warbaahinta Risaala ayaa sheegaya Agaasime Muxyadiin Jurus uu ka baxsaday xalay xilli danbe, kadib markii uu ka war helay qorshe la sheegay in lagu xiri lahaa.

Advertisement

Muxyadiin Jurrus ayaa la sheegay inuu Tuulada Guulane oo uu kasoo jeedo ku abaabulayo maleeshiyo, ayna halkaasi ku ilaalinayaan maleeshiyo ay isku heyb yihiin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Agaasimahan uu gaaray degaanka uu kasoo jeedo, waana m,as’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda Federaalka.

Xariga Agaasimahan sare ee ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka mida olole baaritaan oo ay waday Xeer ilaalinta dowladda oo ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex jira Hay’adaha dowladda oo ilaa hadda oo xiray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Xiriir aan la sameynay Agaasimaha Muxyadiin Jurus ayaanay noo suuragelin, kadib markii uu qaban waayey telefoonka.

Previous articleDEG DEG: Odawaa Yuusuf Raage oo Xilkii laga qaaday iyo Taliye Cusub oo la Magacaabay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay wareegtada Magacaabista Taliyaha Ciidanka xoogga & kan Dhulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here