Dowlada Kenya ayaa ku daba jirta danbiilihii ka danbeeyay dil dhawaan loo gaystay agaasimaha maaliyadda ee isbitaalka Nairobi Hospital Eric Maigo.

Agaasimahaan oo lagu dilay gurigiisa oo  ku yaalla xaafadda Woodley Estate ee magaalada Nairobi ayaa la soo sheegayaa in si xun loo dilay markii tooreey la galiyay qeybaha jirkiisa ilaa 25 jeer.

Advertisement

Ninkaan oo 40 jir ah waxaa la soo sheegayaa in meydkiisa laga helay gurigiisa kadib dilkiisa,waxaana arinta ku jira ciidamada danbi baarista Kenya kuwaasoo ku raad jooga cidii fulisay dilkaan.

Haweeney looga shakiyay dilka Agaasimaha ayaa laga arkay kaamirada iyadoo ka soo baxeysa guriga uu dilka ka dhacay,wuxuuna dilku dhacay asbuuc ka hor.

Hay’ada danbi baarista Kenya ayaa ka dalnbaday bulshada inay la soo wadagaan wixii macluumaad ah oo la xiriira dilkaan si ay u sahlanaato in cadeymo la helo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSafaarada Mareykanka iyo Muuse Biixi maxay ka wada hadleen
Next articleXamze Cabdi Barre oo New York kula kulmay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here