Agaasimaha guud ee  Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in uu gabi ahaanba iska casilay xilka Agaasimaha Madaxtooyada, kaas oo ahaa tan iyo May 23, 2023-ka, ka gadaal markii uu xilkaas u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal dheer uu soo dhigay Agaasime Xuseen Sheekh ayuu ku yiri, “Waxaa an ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in aan si rasmi ah isaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan haayay laga soo billaabo 23 May, 2022.”

Advertisement

Sidoo kale Agaasime Xuseen Sheekh ayuu ku sheegay iscasilaaddiisa in uu damac kaga jira xilka Madaxtinimada ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, isaga oo yiri, “Waxaa an uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed.”

Dhanka kale Agaasimiha Villa Somalia ee xilka iska casilay ayaa sheegay in uu sii wadi doona dadaalada aan kala go’ lahay ee dowlad dhiska kaas uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doona sidii bulshada koonfur galbeed y heli lahaayeen is-beddel.

“Ugu dambeyn waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed inay garab igu siiyaan xaqiijinta himilooyinkaas aniga oo Alle hortiis ballanqaadaya in aan hormuud ka noqon doono sidii reer Koonfur Galbeed ku heli lahaayeen hoggaamin leh sinnaan, caddaalad, karti iyo ammaano dhinac kasta ah,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalka warsaxaafadeedka uu isku casilay Agaasime Xuseen Sheekh.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa jiray warar hoosaad ah oo soo baxayay kuwaas oo sheegay in uu yahay musharax ay Villa Somalia wadato kaas oo ka mid ah Musharaxiinta u baratamaya Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in doorashadiisa ay dhacdo sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here