Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in hadda la gaaray xilligii ay duulaanka xoreynta sameyn lahaayeen oo la iska dulqaadi lahaa Al Shabaab.

Khudbad uu ujeediyey ciidamada ayuu Axmed Madoobe cod dheer ku sheegay in hadda ay udiyaar noqdeen in ay xoreeyaan deegaanada Jubbooyinka,islamarkaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku heshiiyeen in duulaanka la galo.

Madaxweyyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu isaga horkacayo dagaalka uuna qoriga qaadi doono,isagoo ballan qaaday dhanka kale in wixii tasiilaad ah iyo taakuleyn saanado meliteri ah ay sameyn doonaan.

Waxa uu Madoobe sheegay in ciidamada Kenyaatiga ah ee kusugan Kismaayo aysan waxba soo kordhin doonin,ilaa cadowga al shabaab la iska dul qaado oo la xoreeyo deegaanada jubbada dhexe iyo aagga Kismaayo duleedkeeda ay Shabaab kusugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here