Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Arimaha muhiimada u leh xaalada hada lagu jiro gaar ahaan Amaanka iyo Doorashooyinka lagu muransan yahay.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan Arimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here