AHUN) Axmed Xasan Cawke ayaan kamaqley isaga oo leh Afrikaan Kursi Ku fariistey ka kac loogama karo

0

(AHUN) Axmed Xasan Cawke ayaan kamaqley isaga oo leh Afrikaan Kursi Ku fariistey ka kac loogama karo.

Hadda Taasi waa ay iimuuqataa markii horna igama dahneyn. Waxaa kaloo jira Orah iyana tiraahdaa Baadida ninbaa kula day dayi daalna kaabadan aanse doneynin in aad he shid.

Waxaan u jeedaa hadda Maxmed C/laahi Farmaajo waxaa jira dad badan oo iska dhigeya in ay madaxweynuhu u yihiin daacad, lkn Qodaya Godkii ay ku aasi lahaayeen.

Waayo tan iyo intii uu Xukunka haayey Farmaajo waxaa dalka ka dhacay Falal aad u guracan iyo dulqaad Xumo Xukuumadiisu ay Dadweynuhu ku barteen.

Maamulka Farmaajo waxaa uu Cadow ka dhigatey Qof walba oo Soomaalia marka laga reebo Kooxax Ajinabiga ah ee ka shaqeyneya Xafiisyada iyo Taliyaasha Ciidamada.

Warbaahintii shaley markuu Banaaka joogey garabkiisa taaganeyn shacabkuna ka gadey ayaa maanta iska daa wax kalee Gudanla, shaqadoodii.

Aniga waxaan u maleyneyaa in madaxatooyaa Soomaalia uu kuyaalo (Geed)Geedkaas oo dhacaankiisa ama mirihiisa lasiiyo madaxweyne Kasta. Markaas oo

madaxweynuhu Caqliga iyo Garashada intuba ay ka suusho Kursiguna aad moodidba in malab looga Daadshey.

Qaarna Dil, Qaarna dayac, Qaarna duley, Qaarna Xabsiyada ku daabul dan ma ahee maantaad derjo leedihiine war Dadka Nolo uraasha.

FG; fariinteydu ma aha mid aan ku weerareyo madaxda Qaranka lkn Kalia waxaan leeyahay madaxweyne Waari meyside war hakaa haro.

Waa qoray Cabdiwahaab Aadan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here