AHUN waxaa magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ku geeriyootay fannaanaddii weynayd ee Aamino Cabdullaahi Xirsi oo ka mid ahayd Fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, xilligii barisamaadkii.

Aamino Cabdullaahi Xirsi ayaa  ku dhalatay deegaanka Kala-baydh ee u dhexeeya magaalooyinka  Boorama iyo Wajaale. Waxay kusoo barbaartay fankana kasoo gashay dalka Jabuuti, horraanta sannadkii 1966-kii.

Advertisement

Alle ha u naxariistee Aamino oo ka mid ahayd Hoballada Waaberi ayaa xaas u noqotay ubadna u dhashay Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Qays) iyo fannaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fannaanadda caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan oo ka mid ah fanaaniinta hadda.

Waxa ay la heestay fanaaniin ay ka mid ahaayeen, Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa. Heesihii ay qaaday kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah Heesta Waligeed adduunyada, oo Erayadeeda uu sameeyay Xaasan Xaaji Cabdullaahi (Xasan Ganey), Heestaana yaa ku jirtay Riwaayaddii Dab Jeceyl kari waayay oo la dhigay 1974-kii

Muddo soddon sanno ku dhaw oo shumaca fanka ee Soomaalidu u baxaayey, Aamina Cabdullaahi ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aad loo jeclaa, iyada oo aad loo xiiseen jiray jilidda majaajilada iyadoo ka qayb qaadatay jilitaanka riwaayado badakooda ay sameyeen Xasan Ganay iyo Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays.