Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawl-gal ay fulliyeen ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Ahmed Huseen Ibraahim oo ka tirsan Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish,
Hawl-galka oo laga fuliyey Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Degmadda Uffeyn ayaa lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ISIS/Daacish oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan.
Hor-joogaha la qabtay ayaa ku soo aaday xilli Kooxda Argagixisada ee ISIS/Daacish kordhiyeen xubnaha Ajenibta ee kaga imanaya dalalka shisheeye si ay uga dhinac dagaalamaan.
Horray Ciidanka Booliska waxay hawl-galo ku dileen kuna qabteen xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo u dhashay dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya, Yemen iyo kuwa u dhashay Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa gacanta ku haya iyagoo oo su’aalo weydiinaya,
Ciidanka Amniga Puntland ayaa xoojiyey hawl-galada lagula dagaalamayo kooxaha Argagaxisada guud ahaan dalka, kuwo badan ayaa xukuno kuriday Maxkamada Ciidamada.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,
Ciidanka Booliska Puntland .
May be an image of 1 person and text
Previous articleCiidamo ka tirsan kuwa Miina baarka Maamulka Puntland oo Tababar loogu soo xiray Kenya+Sawirro
Next articleDhul Gariir  heer dhexe ah  oo Maanta ka dhacay Dalka Jabuuti 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here