Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii 7aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka oo muddo labo cisho ah ka socday magaaladaas.

Shirka Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa inta uu socday waxaa looga arrinsaday xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Advertisement

War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray Shirkii Golaha, waxaana kamid ahaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu Maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC ugu baaqay inay joojiyaan Colaada magaalada Laascaanood.

Golaha ayaa waxa uu sidoo kale boggaadiyay guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u danbeeyay ee Al-Shabaab looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Hoos ka Akhriso War-saxaafaeedka Shirka Golaha 

Previous articleDuqayn lagu dilay Xubno ka tirsan Alsbabaab
Next articleYaa bixiyey Amarka looga soo baxay Wabxo iyo Dac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here