Mudane Madaxweyne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,

Waad ku mahadsantihiin fursadda aan Golaha kaga warbixiyo xaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay inaan markale lasoo jeediyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan warbixintan idiin soo gudbiyo iyadoo ay ila socoto Marwo Caasha Siyaad oo ka mid ah aasaasayaalka Hindisaha Hogaamineed ee Haweenka Soomaaliyeed xubinna ka ah Danjirayaalka Niyadda San, Caasha waxay in badan u ololeysaa sidii ay haweenka uga qoodadooda 30 boqolkiiba uga heli lahaayeen doorashooyinka.

Horumar ayaa laga gaaray hannaanka doorashada, in kasta oo ay gaabis tahay oo aan sinnayn. Waxaan soo dhaweynayaa doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa dhiirigelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilka sanatarnimo, tiradaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba xubnaha Aqalka Sare. Tani waa koror ku yimid tiradii doorashooyinkii hore ee 2016, inkastoo ay weli ka yar tahay bartilmaameedka 30 boqolkiiba. Sidoo kale waxaa dhiirigelin leh in ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275-kii kursi la soo dhameystiray, waxaana toddobaadkaan la shaaciyay in doorashada 11 kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso.

Marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer qaran, waxaa si nabad ah ku qabsoontay doorashooyin toos ah oo ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan Puntland bishii Oktoobar, taasi waxay muujisay suurtagalnimada in doorasho hal qof iyo cod ah ay ka dhici karto – waxayna hoosta ka xariiqday rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee doorashooyinka.

Iyadoo la aqoonsan yahay horumarkan, ayaa hadda laga joogaa in ka badan hal sano tan iyo markii hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliya ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-kii Sebtembar, sidoo kale ku dhawaad ​​lix bilood ayaa laga joogaa markii ballan-qaadkoodii markale ku celiyeen heshiiskii 27-kii May.

Doorashada kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka Federaalka ayaan wali bilaaban, waxaana loo baahan yahay in la dardar geliyo diyaar garowga amniga doorashada, iyo in la soo saaro liiska 30% kuraasta Golaha Shacabka ee haweenka loo qoondeeyay.

Waxaan sii wadeynaa inaan carrabka ku adkeyno in ka mid noqoshada haweenka iyo matalaaddooda siyaasadda oo dhameystiran, iyo matalaaddooda dhammaan qaybaha nolosha, ay fure u tahay nabad waarta iyo horumar joogto ah ee Soomaaliya. Dhambaalkan ayaa waxaa hoosta ka xariiqay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Afrika booqashadoodii ugu dambeysey ee ay ku tageen Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sii wadeysaa la shaqaynta iyo taageeridda saamileeyda muhiimka ah si loo horumariyo hannaanka doorashada.

Tani waxaa ka mid ah wadahadalka diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan booqashooyinka wadajirka ah ee aan ku gaareyno xarumaha dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo goobaha cod bixinta iyo baaqyadda sida wadajirka ah usoo jeedineyno, iyo sidoo kale taageerada farsamo ee aan u fidino Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada, Kooxaha Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo sidoo kale isku isku dubidda iyo isku xirka deeqaha dhaqaale ee doorashooyinka.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si loo dhameystiro doorashada baarlamaanka ka hor dhammaadka sanadkan. Waxaan sidoo kale ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqaha aasaasiga ah ee ololaha iyo xilliyada doorashada, oo ay ka mid yihiin isu shirarka iyo isusoo-baxa nabdoon, xoriyada safarka, ururrada, iyo hadalka.

Waxa sidoo kale ku faraxsanahay inaan xuso, Mudane Madaxweyne, in marka laga hadlayo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka dhex curtay bilihii Agoosto iyo September, uu ka dhashay laba arrimood oo kala ahaa magacaabista saraakiisha sarsare ee nabadsugidda iyo sidii loo maamuli lahaa. Baaritaanka lagu hayo sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee la waayay, ayaa la sheegay in xiisadahaasi ay hadda yaraadeen. Kadib dadaalo dhex dhexaadin ah oo ay sameeyeen mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad badan oo Soomaali ah, xal tanaasul ka muuqdo oo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa lagu dhawaaqay dhamaadkii Oktoobar.

Mudane Madaxweyne,

Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan. Waxaan bogaadinayaa dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa weli khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya, awoodna u leh in ay joogteyso dhaqdhaqaaqyo xoog leh, oo ay ku jiraan isticmaalka walxaha qarxa ee joogtada ah, iyo kororka adeegsiga ismiidaaminta. Muqdisho, Weerarkii ugu dambeeyay ee loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa dhacay 25-kii Sebtembar, kaas oo lala beegsaday Koontaroolka laga galo Villa Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan oo ay ku jirto la-taliye sare oo ka tirsan dowladda. Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada Al Shabaab, waxaana tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dhibanayaasha.

Ilaa hadda sanadka 2021-ka, UNSOM waxa ay diiwaangelisay 964 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay iskahorimaad hubeysan. Al-Shabaab ayaa weli ah dembiilayaasha ugu weyn, iyadoo mas’uul ka ah ku dhawaad ​​saddex meelood laba meel dhaawacyada rayidka ah.

Waxaase wax laga xumaado ah in xiisadaha siyaasadeed ay sidoo kale sii wadaan hurinta colaadaha Soomaaliya. Muddadii u dhexeysay 23-kii ilaa 26-kii October waxaa magaalada Guriceel ka socday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaayey ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Iska horimaadkan oo ahaa mid hubeysan ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan, waxaana ka dhashay barakac ballaaran oo soo gaaray dadka rayidka ah, iyo burbur xooggan oo soo gaaray xarumaha danta guud iyo guryaha gaarka loo leeyahay.Iyada oo ay wehlinayaan bah-wadaagta ayey Qaramada Midoobay dhammaan dhinacyada kala hadashay arrimahan, iyada oo ku baaqaysa in la joojiyo colaadda lana raadiyo wadahadal si wax looga qabto khilaafaadka siyaasadeed.

Dhaqangelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya ee ku saabsan wareejinta tartiibtartiibka ah ee mas’uuliyadaha amniga ee AMISOM ku wareejinayso Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa horumaraya, laakiin weli dib ayuu uga dhacsan yahay jadwalka loo qorsheeyay. Marka la eego hirgelinta qaraarka tirsigiisu yahay 2568 ee March 2021 ee khuseeya qabanqaabada amniga ee 2021 ka dib, Xoghayaha Guud wuxuu la socodsiin doonaa Golaha wixii soo kordha, sidaas darted anigu ma bixin doono faahfaahinta arrintan. Waxaa inagu filan in doodo dheeri ah laga yeesho dhinacyada muhiimka ah ee amniga si heshiis looga gaaro ujeedooyinka istaraatijiyadeed, baaxadda iyo qaabka uu noqon doono howlgalka mustaqbalka Midowga Afrika ee loogu talagalay in lagu taageero isbedelka amniga ee Soomaaliya sida ugu waxtarka badan. Arrintaan, waxaan soo dhaweynayaa booqashadii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay dhawaan ku yimaadeen Soomaaliya, taasoo fursad muhiim ah u siisay doodaha dhex mara dad badan oo ay khuseyso.

Mudane Madaxweyne,

Dib-u-dhacyada socda ah ee geeddi-socodyada doorashada ayaa sii wada inay hakiyaan horumarradii laga sameeyay dhinacyada kale ee muhiimka ah, waxayna caqabad ku yihiin gaaritaanka hortebinnada qaranka ee ka baxsan doorashooyinka, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta dastuurka iyo dhinaca caddaaladda, sare u qaadidda ajendaha horumarinta iyo dib-u-habaynta maaliyadeed, oo ay ku jiraan gaaritaanka Barta Dhamaystirka Hindisaha ee 2022 waddamada saboolka ah ee qaameysan.

Xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, waxaana u sii dheer colaado, barakac iyo cudurro dillaacay. Soomaaliya waxay sidoo kale safka hore kaga jirtaa jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda, taasoo uga sii dareysa xaaladda degdegga ah ee bini’aadamnimo. Bah-wadaagta arrimaha bini’aadamnimo ayaa qiyaasaya in 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan doonaan gargaar bini’aadannimo sanadka 2022. qiyaastii 1.2 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ayay u badan tahay in ay nafaqo darro ba’an hayso 2022-ka iyada oo aan la helin daaweyn degdeg ah.

Ilaa 2.9 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasay inay ku barakacsan yihiin gudaha dalka oo dhan, mid ka mid ah tirada ugu badan ee barabaxayaasha adduunka. Xaaladdan oo kale, waxaan aad uga walaacsanahay in Qorshaha Ka jawaabista Bani’aadamnimada ee 2021 hadda boqolkiiba 51 keliya la maalgeliyo. Waxaan uga mahadcelinayaa deeq-bixiyeyaasha caawintooda deeqsinimada leh ee ay ilaa hadda bixiyeen, laakiin kor u qaadis muhiim ah ee hawlaha bani’aadamnimada ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay.

Mudane Madaxweyne,

Aan ku soo gaba gabeeyo anigoo carrabka ku adkeynayo in inkastoo horumar la samaynayo haddana dadaallada ay wadaan madaxda siyaasadda Soomaaliya ayaa loo baahan yahay in la laba jibbaaro toddobaadyada soo socda, si doorashada baarlamaanka federaalka ay ugu soo dhamaato guul, si markaas doorashada madaxweynaha loogu qaban karo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.

Dhameystirka doorashooyinkan ayaa ah kuwa aad uga muhimsan sidii hore, si dadaal kasta uu dib ugu soo laabto arrimaha mudnaanta u ah dowladnimada, amniga, iyo horumarka Soomaaliya.

Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here