BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Xaafada buunda-weyne ee Bartamaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa xalay ku dhex dagaakamay kooxda Alshabaab iyo ciidamada Dowlada oo garab ka helayay kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda.
Kooxda Alshabaab ayaa si kadis ah waxay ku soo weerareen fariisimo ay Xaafada buunda-weyne ku leeyihiin ciidamada Dowlada, waxaana labada dhinac dhexmaray aad u xooggan oo Baladweyne inteeda badan laga maqlayay kaasoo waqti koobana socday.
Dagaalka oo qaatay dhowr saacadood ayaa sababay khasaare labada dhinac kala gaaray walow aan la heyn warar madax banaan iyo xitaa mid ka soo baxay dhinacyada midkood ,Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka waxaa la soo sheegayaa inay iska caabiyeen weerarka ka yimid dhanka Dagaalamayaasha Alshabaab .
Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa degan xiligaan waxana aagagii lagu dagaalamayay baaritaano iyo amni sugid ka wada ciidamada Milateriga Dowlada Somalia iyo kuwa nabad sugida si u helaan xogta halka ay weerarka ka soo qaadeen kooxda Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
