MARKA (DAYNIILE.COM)-Laba nin kale oo Alshabaab ka tirsan ayaa maanta lagu qabtay  Magaalo Xeebeedka Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Ciidanka Milatariga Somalia ayaa qabtay labadani nin oo sida la sheegay dhuumasho ku soo galay Magaalada iyagoona doonayay inay fuliyaan howlgalo ka dhan ah Dowlada Somalia.
Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Ibraahim Cali Suleymaan iyo Idiris Cabdi Shabeelow kuwaasoo hada gacanta ciidamada ku jira iyagoo jeebeysan.
Shalay ayaya ahayd markii sidaan oo kale Ciidamada Xooga Dalka ay jowhar ku qabteen laba nin oo iyagana alshabaab ka tirsan kuwaasoo marka la qabanayay miinooyin aasayay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleMadaxweyne Xasan oo beri khudbad u jeedin doona labada aqal ee Baarlamaanka
Next articleSomalia iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here