HomeWarkiiAl-shabaab ku shirsanaa deegaanka Tardo oo duqeyn culus loo geystay.

Al-shabaab ku shirsanaa deegaanka Tardo oo duqeyn culus loo geystay.

MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn ee saaxiibada caalamka ayaa duqeyn culus waxay ka fuliyeen deegaank Tardo oo hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo uu shir uga socday Alshabaabka halkaasi dhawaan qabsaday.

Sirdoonka Qaranka Somalia ee NISA ayaa la sheegay inuu helay xogta shir ay saraakiisha Alshabaab ku lahayeen Deegaanka Tardo sidaasna ay ugu gudbiyeen saaxiibada caalamka,waana tan keentay duqeymaha.

Warar ku dhaw dhaw halka duqeymaha ku dhaceen ayaa sheegaya in khsaare uu ka dhashay duqeymahaan iyadoo durba ay soo baxayaan in saraakiisha Alshabaab ee la duqeeyay uu ku jiro sarkaal alshabaab aha oo caanka ah Hiiraan.

Sarkaalka caanka ah ee Alshaaab ee la sheegay inuu ku jirey kuwa la duqeeyay ayaa magaciisa lagu sheegay Wadaad-Yarre  Inkastoo aan faah-faahin laga heyn khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca ee Ashabaab.

Deegaanka Tardo waxay ku jirtaa Degmooyinkii iyo deegaanadii maalmo ka hor Alshabaab ka qabsadeen Gobolka Hiiraan iyadoo la ogyahay in dadka deegaanka ay aad u dagaalameen balse khilaafaadyo jira awgood ayaa keenay in Alshabaab ka faa’iideystaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -