Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa Xalay weerar Bam gacmeed uu ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho dhanka wadada aada Magaalada Afgooye.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in guriga la weeraray markii hore uu dab ka kacay kadibna ay u gurmadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya iyo dad shacaba taasoo keentay in iyadoo lagu mashquulsan daminta dabka la soo weeraro guriga.

Advertisement

Dhowr Bam gacmeed ayaa lagu tuuray gurigaasi taasoo keentay dhimashada sedex ruux oo shacaba halka tira intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale kooxda Alshabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi.

Warka alshabaab ka soo baxay waxay sidoo kale ku sheegteen inay dileen sedex Sarkaal iyo laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya inkastoo wali saraakiisha Dowladu ka hadlin weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleTaliyaha Boliiska oo Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe+SAWIRRO
Next articleWasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo weerar afka ah ku qaaday Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here