SAAKOW (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen 5 nin oo dhalinyaro ahaa kuwaasoo ay ku edeeyeen inay basaas u ahaayeen Sirdoonada Dowladaha Somalia iyo Mareykanka.
Sidoo kale Kooxda Alshabaab waxay ku eedeeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay toogteen inay ka qeyb qaateen oo xogta ka gud-biyeen xarumo ay leeyihiin oo la beehsaday sida xerooyin ciidan iyo keydad hub oo ay lahaayeen kuwaasoo duqeymo lagu burburiyay.
5-ta dhalinyarada ah ee ay toogteen waxaa laga soo kala qabtay deegaanada Alshabaab ka taliyaan kadibna Saraakiisha Kooxda Alshabaab ayaa amar deg-deg ah waxay ku bixyeen in xukunkooda laga dhigo dil toogasho ,waxayna ku fuliyeen amarka toogashada ahaa,
Allaha u wada naxariistee dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Alshabaab toogten saacadihii ugu danbeeyay ayaa kala ahaa :-
Mayiow Cabdi Sheekh     40   jir ahaa
C/risaaq Maxamud Faarax  39 jir ahaa
Aadan Maxamed Sheekh    37 jir ahaa
Maxamuud Xuseen Cabdulle 29  jir ahaa
Aweys Cumar Maye        22 jir ahaa
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
