GARISA (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Ismaamulka Garisa ee Gobolka Waqooyi Bari-Kenya ayaa sheegaya in Alshabaab ay halkaasi ku dileen askar ka tirsan ciidamada Kenya kadib markii ay qarax ku weerareen.
Qaraxa oo ahaa mid wadada la sii geliyay ayaa haleeshay gaari nuuca loo yaqaan Probox oo ay saarnaayeen laba ka mid ah ciidamada Kenya kaasoo marayay inta u dhexeysa Ijaara iyo Buudhi oo hoos taga Garisa.
Labada Askari ee qaraxa ku dhimatay waxa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Shabeel Bashiir iyo C/qaadir Maxamuud Salaad.
Masuuliyiinta Ismaamulka Garisa ayaa xaqiijiyay weerarkaasi islamarkaana tilmaamay in weerarkaani ahaa mid si gaar ah loola eegtay gaariga ciidamada ay la socdeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
