Ururka shabaab ayaa dib uqabsaday deegaanka Wabxo oo katirsan Gobolka Gal gaduud halkaasi oo maalmo ka hor lagala wareegay balse ciidamada ayaa dib uga soo baxay halkaasi.

Gaashaanle Ismaaciil C/maalik oo hore usoo noqday Taliyihii Ciidanka Danab ayaa waxa uu sheegay in amarka ciidanka dib uga soo baxeen uu bixiyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Lama oga sababta ilaa hadda keentay in ciidamada amniga ay uga soo baxaan Wabxo oo aheyd mid umuhiim ah duulaanka lagu xoreynayo degmada ceel buur ee gobolka gal gaduud.

Tallaabada ciidanka ay dib uga soo baxeen Wabxo ayaa kusoo aadeysa xilli ay kacdoon lagu fashilinayo dagaalka ay wadaan siyaasiyiin caan ah oo Farmaajo ka mid yahay sida lagu eedeeyey.

Sidoo kale deegaano hoostaga degmada Baxdo ayey ciidamada galmudug iyo kuwa macawiisleyda iskaga baxeen,taa oo sahashay inay dib uqabsadaan kooxda al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here