Al-Shabaab oo faah faahin dheeraad ah ka soo saaray weerarkii Isniintii ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah.

0

Ururka Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii Isniintii ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo ku yaalla deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal dheer oo ka soo baxay Al-Shabaab, isla markaana lagu baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka weerarkaas looga dilay afar askari.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay ku sheegeen qoraalkan in weerarkaas ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga dileen 16 askari.

“Muddo sanado ah, ciidamada Mareykanku waxay wadeen duqaymo ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku beegsanayeen dadka muslimiinta ah ee ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab. Isku dayga ula kaca ah ee AFRICOM ay ku doonayso inay ku qariso dhimashada askarta Mareykanka ee weerarkii Janaay Cabdalle, waxay cadayn marag-madoonta ah u tahay ololaha marinhabaabinta ah ee Maraykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

sidoo kale shabaab ayaa arintaan ku tilmaamay Guul u soo hoyatay, waxayna arintaan ku soo aaday Xili shabaab maalmo ka hor laga Dilay Sarkaal Muhiim u ahaa oo lagu magacaabo C/qaadir Kumaandoos.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here