Al-shabaab oo laga qabsaday  Saldhig milatari oo ay ku lahaayeen  duleedka degmada Beled-Xaawo.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jooga Gedo inay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla duleedka degmada Beled-Xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in xaruntaas shabaab gabi ahaanba lagala Wareegay, waxayna sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ay weerar ku qaadeen degaanka Qaniyaale oo 30km u jira degmada Beled-Xaawo, isla markaana ay kala wareegeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa.

Sidoo  kale  Guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda Soomaaliya Cisman Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in weerarkasi ay Ciidamada ku dileen laba Xubnood, sidoo kale ay dib uga soo celiyeen 300 oo Neef oo Ari ah, kuwaas oo uu sheegay inay dadka Shacabka ah Al-Shabaab markii hore si awood ah uga qaateen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here