Al Shabaab ayaa warbaahintooda ku faafiyey inay dib uqabsadeen maanta deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo todobaadkii hore laga saaray,iyadoo dagaal aan ka dhicin ayey ciidamada dawlada iskaga baxeen.

Shabaab ayaa ku faanay inay isku fidiyeen deegaanada Buula burde iyo Beled weyne isku xira xilli maalmihii lasoo dhaafay Al Shabaab laga saaray deegaano badan oo katirsan gobolka hiiraan.

Dad warkooda lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in al shabaab aan badneyn ay gudaha ugaleen  deegaanka booco iyagoo sii maray dhinaca tuulada samataro ay ka taliyaan duleedkana ka ah booco.

Xogta la helay ayaa ku warameysa in ciidmaada dawlada iyo macawiisleyda ay banaanka deegaanka booco kusugnaayeen ilaa xalay kadib dhaq dhaqaaqyo xoog leh oo ay dhanka al shabaab soo qaadeen.

Habeen hore ayaa sidaas oo kale laga saaray Al Shabaab deegaanka buq aqable balse shalay subixii ay dib ula wareegeen,waxaana la is weydiinayaa sababta dib ugurashada ciidamada huwanta usameenayaan.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka hiiraan cali jeyte cusmaan ayaa maanta safar dhulka ah ku tegay deegaanka moqokori oo ka mid ah meelaha ay sanadaha badan al shabaab katalinayeen.

Cali Jeyte iyo saraakiisha la socotay ayaa kormeeray moqokori oo labo maalin ka hor ciidamada ay la wareegeen,waxaana la sheegayaa in saanado meliteri la gaarsiiyey shacabka halkaasi ku dhaqan si ay iskaga difaacaan hadii Al Shabaab isku dayo in dib uqabsado halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here