Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland uu ka dhacay degmada Dhoobley oo ku taalla koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka cul-culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegey in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu socday muddo saacado ah, isla-markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay inay ku burburisay saldhigga uu dagaalka ka dhacay, isla-markaana ay hub fara badan ka qaateen dagaalyahanadeeda.

Sidoo kale warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka iyo dagaalka xigay ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland iyo maamulka Dhoobley oo la xiriira dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here