Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al Shabaab ayaa soo bandhigtay meydadka askar Itoobiyaan ah ay ku dileen weerar ay ku qaadeen inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha degmada Waajid ee gobolka Bakool iyo saldhigga ciidamada Itoobiya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar jid-gal ah ay ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah ay ku dileen 8 askari , waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi kusoo furteen hub ay wateen ciidamada ay dileen qaarkood.

Advertisement

Sawiradda iyo muuqaalka Al Shabaab kusoo bandhigeen barahooda Internetka ayaa laga arkayay iyaga oo dilaya ciidamada Itoobiya, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen sida uu weerarkaasi u dhacay.

Muuqaalkan ay baahiyeen Al Shabaab ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda Soomaaliya dhankooda sheegeen in shalay degmada Waajid ku dileen 25 dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab kuna jiraan ajaaniib.

Previous articleXisbiga Waddani oo eedo cul-culus u jeediyay xukuumada Somaliland
Next articleRW Xamsa Cabdi Barre: “Waxa aan u diyaargarownay Ciidankii Amniga la wareegi lahaa marka ATMIS Dalka ka baxdo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here