Al Shabaab oo si adag uga hadashay Xil ka qaadistii Ra’isul Wasaare Kheyre

0

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay isbadalka ku yimid Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kalsoonida ka weysay Golaha Shacabka BFS bilawgii todobaadkii hore.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ay sheegi jireen in daacad u yihiin u adeegista dalkooda, kana shaqeynayaan horumarkiisa, balse kala taggooda uu meesha ka saaray waxa ay sheegayeen.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa tilmaamay in kala qaybsanaanta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ay meesha ka saartay himilooyinkii ay ku taahmayeen.

“Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, wadamadii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageerayay ayaa canaan la daba taagan, waliba ka shalaynaya wixii hanta iyo taageero ay ku bixiyeen” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Go’aanka Golaha Shacabka kalsoonida ay kala laabteen Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka waxa uu Afhayeenka Al-Shabaab ku tilmaamay mid waji cusub u yeeleysa Siyaasadda Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku howlan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Dalka, waxyaabaha horyaalla shaqsiga xilkaas qabanaya waxaa ugu weyn qabashada Doorashada oo waqti xileedka Dowladda uu haatan sii idlaanayo

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here