Jowhar (dayniiile.com)- Wasiiru Dowladha Ganacsiga iyo Warshadaha Cali Cusmaan Ibraahim (C.Ciid) Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa daboolka ka qaaday in Alshabaab badan soo dhoobteen wadada xiririsa Degmooyinka Balcad iyo Qalimow islamarkaana ay xiligaan iyagu maamulaan.

Masuulkaan oo ka tirsan Wasiirada Hirshabelle ayaa ugu baaqay Taliska Milatariga inay ka caawiyaan Maamulka Hirshabelle sidii kooxahaasi looga saari lahaa wadadaan muhiim u ah masuuliyiinta Dowlada ee Xamar iyo Jowhar isaga gooshi lahaa.

Advertisement

“waxaan ka codsaneynaa Taliska Milatariga Somalia uu naga caawiyo sidii Alshabaab aan uga nadiifin lahayn wadada xiririsa Balcad iyo Qalimow,inagoo aaminsan inaysan saacad ku qaadaneyn”ayuu yiri Wasiiru Dowladha Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabelle

Maaha markii ugu horeysay oo qeyla dhaan ay ka timaado wadada xiriirisa Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir,waxaana hore naftiisa ugu waayay wadadaasi Taliya Farxaan Qaroole oo markaas dadaal ugu jirey sidii Alshabaab looga saari lahaa meel u muuqata Xamar oo isku xirta Balcad iyo Afgooye laguna magacaabo Deegaanka Basra.

Inkastoo Dowlada Xasan Sheekh Talaabo weyn qaaday oo ilaa Xarar dheere ay gaartay hadana waxaa wali muuqanaysa in Alshabaab wali ku lug leeyihiin wadooyinka xiriirsha Maamulada Banaadir iyo Hirshabelle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDarbi ku soo dumay guri ku yaal Degmada Kaaraan oo sababay dhimasho badan.
Next articleShan arrin oo lagu diidan yahay qorshaha Xasan Sheekh, iyo waxa ka dhalan kara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here