Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellad dhexeAyaa sheegaya in Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saakay weerar ku qaadeen askar ku sugan bar-kantarool oo ku taal degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellad dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaallamayaasha Al-shabaab ay saacado kooban kantaroolkaas la wareegeen waxaana ay goobta ku dileen laba askari oo ilaalo ka ahaa kantaroolka degaanka Buurane.

Sidoo kale Kooxda ayaa markii dambe iskood uga baxay barta kantarool kadib saacado ay gacanta ku hayeen sida laga soo xigtay Goob-joogayaal ku sugan degaanka.

Dagaallamayaaasha Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro khasaare dhaliyay ka fuliyay degmada Mahadaay iyo degaannada hoosyimaada .

Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here