Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley oo ka mid ahaa saldhigyadii toddobaadkii hore ay wareejiyeen ciidamada Kenya ee ATMIS.

Weerarka ayaa dhacay gelinkii dambe Talaadadii, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Warbaahinta gudaha.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu goobta ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo dhowr jeer la isu soo noqday, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ilaa hadda si rasmi ah lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarka.

Degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa la sheegay inay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka kadib markii ay iska caabiyeen dableydii weerarka soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here