Al-shabaab oo weerar Qaraxyo ku bilaawday ku qaaday degaanka Janaay Cabdalla ee Duleedka Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerrar shabaab ku qaadeen Degaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii dhanka Waqooyiga 55 km uga beegan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, oo ku Bilaawday Qaraxyo iyo Dagaal toos ah.

Weerarka oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday Saldhiga ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ka sameysteen degaanka Janaay Cabdalla,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Degaanka Janaay Cabdalla ayaa maalin ka hor waxaa Al-Shabaab kala wareegay Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen inay weerar loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay la beegsadeen degaanka janaay Cabdalle oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda & kuwa Mareykan ah.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubaland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay degaanka gacanta ku hayaan.