Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidanka Milateriga ku leeyihiin Gobolka Sh/Hoose

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex maray duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhigga Ciidamada, iyadoo halkaas labada dhinac dagaal muddo socday uu ku dhex maray.

Taliyaha Amniga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab ay ku guuldareysteen, lana iska difaacay, isagoo xusay in xogta weerarka ay hayeen, kana feejignaayeen.

Waxaa uu sheegay in afar dagaalame uga dileen Al-Shabaab, halka dhankooda uu askari kaga dhaawacmay, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijisay sheegashada sarkaalkaas.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyay culeys kala kulmaya Ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee sida gaarka u tababaran, kuwaasoo kala wareegay deegaano dhowr ah, waxaana dagaaladii u dambeeyay Al-Shabaab soo gaaray khasaare xooggan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064