XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeyga reer England, Alan Shearer, ayaa saadaaliyay in kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ay ku guuleysan doonto tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan, inkasta oo uu qiray in Arsenal ay fursad aad u wanaagsan u haysato inay meel fog gaarto.
Shearer oo ka hadlayay barnaamijka Amazon Prime Video Sport habeenkii Talaadada, xilli uu falanqaynayay kulankii Arsenal ay 3-1 kaga badisay Inter Milan, ayaa yiri: “Shaki kuma jiro in kooxdan [Arsenal] ay fursad dhab ah u haystaan inay halkaas gaaraan (final-ka). Laakiin waxaan u malaynayaa wixii ay PSG samaysay sannadkii hore iyo ciyaartoyda ay haystaan, inaan PSG wax yar ka hormariyo. Arsenal kama fogaan doonaan.”
Si kastaba ha ahaatee, habeenkaas oo ay Arsenal u dabaal-degaysay guusheedii 7-aad ee Champions League, PSG ayaa dhankeeda la kulantay guuldarro lama filaan ah.
Guuldarradii PSG ee Lisbon:
Isla habeenkii uu Shearer saadaashan bixiyay, PSG oo ah difaacaneysa koobka (Champions League 2025) ayaa 2-1 looga soo badiyay iyadoo marti u ahayd kooxda Sporting Lisbon.
Luis Suárez ayaa laba gool oo dambe u dhaliyay Sporting (daqiiqadihii 74-aad iyo 90-aad), halka Khvicha Kvaratskhelia uu u dhaliyay goolka kaliya ee PSG.
Shearer ayaa dhanka kale aaminsan in Arsenal ay xilli-ciyaareedkan u tahay kii ay ugu dambeyntii ku guuleysan lahaayeen horyaalka Premier League, isagoo sheegay in kooxda Mikel Arteta ay hadda u muuqato mid ka qaan-gaartay dhanka maskaxda iyo tayada.
XIGASHO LAACIB.NET

