HomeCiyaarahaAlan Shearer oo si lama filaan ah u shaaciyay hal xiddig uusan...

Alan Shearer oo si lama filaan ah u shaaciyay hal xiddig uusan Arne Slot ku kalsooneyn kadib kulankii Galatasaray

XIGASHO LAACIB.NETHalyeeyga Newcastle United Alan Shearer ayaa sheegay in tababaraha Liverpool, Arne Slot, uusan wali ku kalsoonayn daafacooda cusub Jeremie Frimpong inuu ka ciyaaro booskiisa dabiiciga ah ee gadaale.

Ciyaartii Champions League ee Liverpool ku guuldarreysatay 1-0, Frimpong waxa uu ku bilowday garabka weerarka, halka khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai mar kale loo isticmaalay daafaca midig.

Shearer oo ka hadlayay Amazon Sport ayaa yiri:

“Waxay lacag badan ku bixiyeen Frimpong. Waxa igu haaya walaac in Slot uusan weli ku tiirsanayn. Wuxuu ciyaarsiiyaa boos ka duwan.

Wuxuu khad dhexe ka ciyaarsiinayaa booska daafaca midig, waxaana laga yaabaa inuu ahaa daafacooda ugu fiican ilaa hadda. Szoboszlai wuxuu ahaa ninka ugu ciyaarta wanaagsan kulankii Newcastle.”

Shearer ayaa intaas ku daray in Liverpool ay haystaan daafacyo kale sida Conor Bradley, haddana Slot uu doorbiday inuu ciyaarsiiyo xiddig khadka dhexe ka ciyaara.

“Haddii aad lacag badan ku bixisay daafac midig sida Frimpong, isla markaana aad leedahay dhalinyaro fiican oo sida Bradley ah, balse aad khad dhexe geliso booskaas – taasi waxay i tusinaysaa inuusan Slot ku qanacsanayn Frimpong daafac ahaan.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -