HomeCiyaarahaAlejandro Garnacho oo hanjabaad culus u diray Arsenal, ka hor Kulanka Carabao-ga

Alejandro Garnacho oo hanjabaad culus u diray Arsenal, ka hor Kulanka Carabao-ga

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea, Alejandro Garnacho, ayaa muujiyay kalsooni buuxda ka hor lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee ay Blues ku wajahayaan Arsenal garoonka Emirates.

 

Chelsea ayaa guuldarro 3–2 ah kala kulantay Arsenal kulankii hore ee Stamford Bridge, balse Garnacho ayaa rumeysan in soo kabashadu ay suurtagal tahay.

 

“Qof walba wuu ogyahay sida ay u adag tahay in Emirates lagu ciyaaro,” ayuu Garnacho u sheegay barnaamijka ciyaarta ee Chelsea. “Laakiin hadda aragtidayda way is beddeshay. Haddii Manchester United ku badisay halkaas, annaguna waan awoodnaa.”

Garnacho ayaa carrabka ku adkeeyay in farqigu yahay hal gool oo keliya, taasoo ka dhigaysa kulanka mid si buuxda u furan.

“Waxaan hadda aad ugu dhow nahay koob, waana muhiim in maskaxda saxda ah lagu tago. Haddii aad ciyaarta guuleysato, waxaad gaareysaa finalka,” ayuu yiri.

Chelsea ayaa u baahan guul ay ku gaarto finalka, iyadoo rajeynaysa inay jebiso rikoodhka Arsenal ee garoonkeeda xilli ciyaareedkan.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -