HomeCiyaarahaAlessandro Del Piero oo farta ku fiiqay kooxda ugu cad-cad ku guuleysiga...

Alessandro Del Piero oo farta ku fiiqay kooxda ugu cad-cad ku guuleysiga Champions League-ga sanadkan

XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeyga kubadda cagta Talyaaniga Alessandro Del Piero ayaa sheegay in Bayern Munich ay haatan tahay kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato UEFA Champions League, isagoo ka horreysiiyay Arsenal.

Del Piero ayaa arrintan ka sheegay barnaamij ka baxa CBS Sports, kaddib markii Bayern Munich ay 6-1 ku garaacday Atalanta B.C. kulankii lugta hore ee wareegga 16-ka.

Sida uu sheegay halyeeygii hore ee Juventus, Bayern ayaa haatan noqotay kooxda ugu xooggan ee loo saadaalinayo tartanka.

“Runtii waxaan aaminsanahay in waqtigan ay yihiin kooxda ugu fiican,” ayuu yiri Del Piero.

Wuxuu intaas ku daray in dhowr bilood ka hor ay Arsenal u muuqdeen koox aad u xooggan, balse hadda xaaladdu ay is beddeshay.

“Waxaa laga yaabaa laba bilood ka hor in Arsenal ay wax gaar ah lahaayeen. Laakiin aragtidayda, kooxaha kale hadda wax yar ayay la tacaalayaan.

“Sidaas darteed Bayern waxay leedahay fursad ka badan kooxaha kale inay ku guuleysato Champions League.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -