XIGASHO LAACIB.NET
Alexander Isak oo la filayo inuu si rasmi ah u codsado ka tegista Newcastle haddii wada-hadalladu ku dhammaan waayaan is-afgarad.
Wararka kasoo baxaya DaveOCKOP ayaa sheegaya in Alexander Isak uu diyaar u yahay inuu si rasmi ah u dalbado inuu ka tago Newcastle haddii aan la isku af-garan wadahadallada la filayo iney dib u billowdaan dhawaan.
Reds ayaa horay u dirtay dalabkoodii ugu horreeyay, kaasoo wararka kala duwan sheegayaan inuu gaarayo £110-120 milyan, laakiin Newcastle ayaa si cad u diiday.
Liverpool ayaa la sheegay inaysan damacsaneyn inay keenaan dalab kale ilaa Newcastle ay beddesho mowqifkeeda.
Wax badan ayaa laga yaabaa inay ku xirnaadaan awoodda Newcastle ee helitaanka beddel ku habboon Isak, kaasoo durba ka gadooday Tyneside kuna sugan Spain, taas oo loo arko inuu si ula kac ah u sameeyay.
