XIGASHO LAACIB.NET
Intii lagu jiray shirkii jaraa’id ka hor ciyaartii isreebreebka Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Sweden iyo Switzerland, weeraryahanka Alexander Isak ayaa la weydiiyay bixitaankiisii muranka badnaa ee uu kaga tagay Newcastle United, balse waxa uu caddeeyay inuusan doonayn inuu ka hadlo arrintaas.
Isak oo haatan u ciyaara Liverpool ayaa yiri:
“Ma aha wax aan rabo inaan hadda ka hadlo. Kama faa’iideynayso cidna — aniga iyo Newcastle toona, sidaas darteed aan ka dhacno.”
Markii la weydiiyay inuu la hadlay tababaraha Newcastle Eddie Howe tan iyo markii uu ka tagay kooxda, Isak wuxuu si kooban ugu jawaabay:
“Maya.”
Isak ayaa la sheegay inuu ku qasbay Newcastle tagistiisa, isagoo diiday inuu u ciyaaro kooxda si uu ugu biiro Liverpool, iyadoo heshiiska rikoorka ah ee Premier League la dhammeystiray maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga.
Weeraryahanka reer Sweden, oo seegay inta badan xilligii hore ee diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub, ayaa weli ku jira marxaladda uu dib ugu helayo fayoqab buuxa. Ilaa hadda, wuxuu dhaliyay hal gool wuxuuna bixiyay hal caawin lix kulan oo uu u saftay Liverpool, iyadoo waqtigiisa garoonka si taxaddar leh loo xakameynayo.
XIGASHO LAACIB.NET
