Wararka ka imaanaya deegaanka Yaaqberi weyne ee gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay dab qabad siiyeen deegaankaasi guryo ku yaalalay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-shabaab ay dabka qabad siiyaan xaafadaha ku yaala deegaankaasi, waxaana ku basbeelay guryihii halkaasi ku yaalay, sida ay sheegeen dad deegaankaasi Dagan.

Sidoo kale Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Al-shabaab ay dadka ku amreen in ay ka guuraan deegaanka, iyadoona talaabadaasi ay ka soo horjeesteen dadka deegaanka, taasina waxaa ay keentay in kooxda Al-shabaab ay gubaan deegaanka Yaaqberi weyne.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa cadaadis ku hayaa shacabka ku nool deegaanka Yaaqberi weyne sanadihii la soo  dhaafay.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here